Hay’adda xuquuqul insaanka ee ay dawladda Itoobiya magacawday ayaa ku baaqday in la sii daayo 16 suxufi iyo shaqaale warbaahin ah ka dib xidhidh cusub oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay caasimadda Addis Ababa iyo gobolka Amxaarada.
Kooxaha u dooda saxafada iyo kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in xukuumada Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay sii kordheyso cabsi gelinta warbaahinta iyo dhibaateynta dadka kasoo horjeeda iyadoo dooneysa inay damiso qalalaasaha ka jira gobolada.
Maamulka Itoobiya ayaa si gaar ah beryahan dambe si gaar ah uga wadday gobollada Axmaarada iyo Oromada, inkastoo bishii March ay ku dhawaaqeen xabbad-joojin ilaa lix iyo toban bilood uu socday dagaal sokeeye. Maamulka ayaa sababeeyay xariga loo geystay shaqaalaha warbaahinta iyagoo ku eedeeyay inay la safteen mucaaradka.
Madaxa guddiga xuquuqul insaanka Daniel Bekele ayaa sheegay in tirada guud ee suxufiyiinta la xiray ay hadda gaarayaan 16 wariye, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo.
"Ma jirto wax sheegasho ah oo ku saabsan dembiga lagu soo oogay ee lagu sameeyay warbaahinta, taas oo caddaynaysa ku xadgudubka sharciga cusub ee warbaahinta ee dhawaan la ansixiyay kaas oo si cad u mamnuucaya in xabsiga lagu sii hayo dadka lagu soo oogay inay dambi ka galeen warbaahinta," ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.
0 Comments