SPORTS: bal wax ka ogow kulanka kama-dambeysta Koobka Horyaallada Yurub ee kooxaha Liverpool iyo Real Madrid.


Real Madrid ayaa caawa dooneysa inay ku guuleysato koobkan markeedii 14-aad, taasoo laba jibbaar ka badan kooxaha kale, haddii Liverpool ay ku guuleysato waxay ka dhigan tahay inay AC Milan kula biireyso (7) taas oo ku jirta kaalinta labaad ee liiska guud horyaalkan

Weeraryahannada heysta diinta Islaamka ee kala ah  Sadio Mane iyo Karim Benzema ayaa labaduba u tartamaya inay ku guuleystaan ​​​​Ballon d’Or-ka sanadkan oo la guddoonsiiyo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

Benzema, oo 34 jir ah, ayaa 15 gool ka dhaliyay Yurub xilli ciyaareedkan – waana gool-dhaliyaha ugu sarreeya Champions League xilli ciyaareedkan 2021-22, halka Mane uu door weyn ka qaatay guushii ugu horreysay qarankiisa ee Koobka Qaramada Afrika ee bishii Febraayo.

Mane ayaa sidoo kale ka caawiyay Senegal inay u soo baxdo Koobka Adduunka 2022, iyadoo 30 jirkaan uu labo koob oo maxalli ah kula guuleystay Liverpool xilli ciyaareedkan.

Waa markii seddexaad ee Liverpool iyo Real ay ku kulmaan finalka. labada naadi ayaa sanadkii 1981 ku kulmay final isla magaaladan Paris oo ay Liverpool 1-0 ku badisay. Afartan iyo kow sano ka dib, taariikhdu dib ma u soo noqon doontaa?

Ku dhawaad 7,000 oo booliis ah ayaa  ayaa la shaqo geliyay, 75,000 oo daawadayaal ayaa ku geli doona gudaha Stade de France, midkiiba (Real& Liverpool) 20,000 oo tikid ayaa la siiyay taageerayaashooda, halka 12,000 oo kale loo soo bandhigay iibkooda taageerayaasha adduunka oo dhan.

Yaab is leedahay koobka caawa way ku guuleysan doontaa?