Qaramada midoobey oo daabacdey xog ku saabsan dagaalka ukraine 


Xafiiska bini aadanimada ee qaramada midoobey ayaa kusoo daabacey bogogiisa baraha bulshada xog ku saabsan dagaalka ukraine iyaga oo sheegey tirada dhimashada iney sii badaneyso marba markay kasii danbeyso.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu diiwaan geliyay in ka badan 4,000 oo rayid ah oo lagu dilay Ukraine tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka, isagoo xusay in tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay aad uga badan tahay.

 Kooxaha gooni ugoosadka taagersan e Ruushka ayaa si buuxda u sheegay inay gacanta ku hayaan magaalada Lyman oo ah magaalo istiraatiiji ah oo dhacda waqooyi bari ee Donbas. Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa u muuqatay mid ka hortageysa sheegashadaasi, iyadoo sheegtay in ciidamada Ukraine ay weli u dagaalamayaan sidii ay u maamuli lahaayeen qeybaha waqooyi-galbeed iyo koonfur-bari ee magaalada. Duqa magaalada Severodonetsk ayaa ku andacoonaya in ugu yaraan 1,500 oo qof la dilay, qiyaastii 60 boqolkiiba dhismayaasha la deggan yahayna la burburiyay. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in duulaanka Ruushka ee Donbas uu ka dhigi karo gobolka bari “aan cidna deganayn” iyo in ciidamada Moscow ay doonayaan inay dambaska ka dhigaan magaalooyin ay ka mid yihiin Popasna, Lysychansk iyo Severodonetsk.