Salma iyo Latesh arooskooda waxaa uu mar qura si lama filaan ah uga baxay jawigii farxadda waxa uuna isu baddalay murugo kaddib markii uu qarax dhacay.
Harish Dalvi ayaa ka sheekeeyay dhacdadan oo khuseysa gabadhiisa mar dhow la guursaday iyo ninkeeda, oo ah wiilka uu sodogga u yahay.
"Rajesh waxa uu gabadheyda curadda ah ku khiyaanayay jacayl been ah muddo toddobo sano ah. Waxa uu horay u dhalay gabar, balse ma uusan guursanin gabadheyda. Gabadheyda yar ayuu usoo dhiibay boombale ay ku dhex jirto bambo," ayuu yiri.
"Hadiyadda islamarkii la furayba waxaa qaraxday bambadii, wiilka aan sodogga u ahayna labada indhood ayuu beelay. Maxaan samayn karaa hadda... Waxaan hal il oo ka mid ah indhahayga u bixin karaa wiilka aan sodogga u ahay," ayuu kusii daray.
Aabahan waxa uu sheegay in falka naxdinta leh uu dhacay maalintii ku xigtay maalinta uu arooska dhacay, markaasoo la furfurayay hadiyadaha.
Boombalaha ay bambada ku qarsanayd waxa uu ku dhex jiray hadiyadaha la furayay, markii uu qarxayna wuxuu sababay in ninkii caruuska ahaa ay labada indhood ka dhacaan, dhaawac culusna waxa uu ka gaaray gacanta.
Harish Dalvi, oo ka mid ah odayaasha ku nool tuulada Meendhabhari ee ka tirsan degmada Navsari ee gobolka Gujarat, waxa uuna leeyahay labo gabdhood.
Arooska Latesh iyo Salma
Waxa uu sheegay in guud ahaan qoyskiisa ay aad ugu faraxsanaayeen in xafladda arooska la dhammastiro. Balse maalintii ku xigtay arooska waxaa usoo hoyatay musiibo kaddib markii ay Salmo telefoon usoo dirtay una sheegtay "in uu ninkeeda Latesh dhaawac culus kasoo gaaray qarax".
Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu Harish yiri: "Xilliga uu telefoonka soo dhacayay waxaan ku nasanayay gurigayga. Durbadiiba waxaan u cararay guriga wiilka aan sodogga u ahay. Markii aan gaaray meesha oo dhan waxaa daadsanaa dhiig, Latesh iyo wiil uu abti u yahay ayaa si xun u dhaawacmay."
Yaa keenay hadiyadda qaraxday?
Harish ayaa hadalkiisa sii watay, oo yiri: "Qaraxa kaddib gurigii oo dhan ayaa burburay. Latesh iyo wiilka uu abtiga u yahay ayaan ula cararnay isbitaalka. Gabadheyda ayaa ii sheegtay in ay furayeen hadiyadihii loo soo dhiibay, xoogaa kaddibna iyada iyo dumaashideed ayaa jikada aaday si ay shaah usoo kariyaan.
"Waxyar kaddib waxay maqashay qarax, markii ay soo baxdayna waxay u timid ninkeeda iyo wiilka uu abtiga u yahay oo uu dhiig badan ka socdo."
Su'aasha ugu horraysay ee uu qof walba isweydiiyay waxay ahayd: Yaa keenay hadiyadda qaraxday?
"Waxaan isweydiinay cidda keentay hadiyadda. Waxaan soo xasuusannay in boombalaha ay keentay gabar la yiraahdo Aarti oo saaxiib la ah gabadheyda Jagriti. Markii aan waraysannay Aarti waxay noo sheegtay in ay ahayd hadiyad uu usoo dhiibay Rajesh Patel oo ka codsaday inay u gayso Jagriti.
0 Comments